BBC Somali
  11:00 Aroornimo
  14:00 Galabnimo
  18:00 Fiidnimo

 

    VOA Somali
  06:30 Aroornimo
  04:00 Galabnimo
  07:00 Habeenimo

 

  Radio Muqdisho
   08:00 Arroornimo
  02:30 Duhurnimo
  20:00 Habeenimo

 

   Somali Links

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 free counters

 

 

 

 

 

Warka

 

 

 

Wasiirka gaashaandhiga oo sheegay inay heleen balan-qaadyo ku aadan mushaaraadka ciidamada dowladda

 

 

Muqdisho,somalinetwork,09.Dec.2010:Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah shaaca uga qaaday in ay u heshay Ciidamada dowladda Mushaaraadkooda rasmiga ah kadib markii ay dowlad u balan qaaday.

 

R/wasaare Ku xigeenka xukuumadda ahna Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya C/Xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo dalka maanta dib ugu soo laabtay ayaa sheegay isaga oo saxaafadda la hadlayay in Mushaaraadka ciidamada Dowladda meel lasoo saaray.

 

Kulamo kala duwan oo Nairobi uu kula soo yeeshay wakiilada dowlado badan iyo Beesha Caalamka ayuu sheegay in uu kusoo guuleystay Mushaaraadka Ciidanka in Meel uu soo saaro isla markaasina ay ballan qaaday Dowlad kamid ah kuwa Beesha Caalamka.

 

Inkastoo uu ka gaabsaday dowladdaasi in magacooda uu xuso hadana waxa uu sheegay in Mushaarka Ciidamada dowladda in uu bilaabanayo Bishani hadda lagu jiro ee December wixii ka dambeeyana ay si toos ah u qaadan doonaan lacagtooda.

 

Wasiirka Gaashaandhiga sidoo kale waxa uu sheegay in dhowaan booqasho uu ku aaday Magaalada Bujumbura ee caasimadda Brundi halkaasi oo uu kaga qeybgalay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.

 

Shirkaasi waxa uu sheegay in go'aano wanaagsan ay kasoo baxeen isaga oo xusay in Ciidamada dowladda dhowaan si rasmi ah hawlgaladooda magaalada looga dareemi doono oo qalabeyntooda iyo baahidooda guud ahaan meel lasoo saaray.

 

 
 

 

 

 

                                                    

                            Somalinetwork.Com © 2010      webmester@somalinetwor.com