|
||||||||||||||||
|
Dowladda Jabuuti oo markii ugu horeysay muddo labaatan sano ah kadib safaarad ka furatay Magaalada Muqdisho
Muqdisho,somalinetwork,09.Dec.2010
Dowladda Jabuuti ayaa maanta si rasmi ah safaaradeeda uga furatay magaalada Muqdisho, kadib markii ay dhowaan soo magacawday safiir cusub oo Soomaaliya wakiilka uga noqda.
Munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, ayna ka qeyb galeen wasiiro ka tirsan dowladda soomaaliya, xildhibaano iyo diblomaasiyaan ayaa waxaa lagu faray safaaradii Jabuuti ee Muqdisho.
Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Amb. Dayib Dhubad Rooble ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in maanta dib loo furo Safaaradii Jabuuti ay ku laheyd Soomaaliya.
Amb. Dhubad ayaa sheegay in Dowladda Jabuuti ay diyaar u tahay inay shacabka soomaaliyed la qeybsato dhibaatada, isla markaana waxaa uu tilmaamay in Madaxweynaha Jabuuti uu diyaar la yahay inuu xalka soomaaliya gacan ka geysto.
Waxaa uu ugu baaqay Dowladaha beesha Caalamka in xafi-iskooda ay si deg deg ah uga furtaan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho sida uu yiri.
R/wasaare kuxigeenka ahna wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa soo dhoweeyay tallaabada ay dowladda Jabuuti safaaradeeda uga furatay Muqdisho.
Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa sheegay in Jabuuti iyo Soomaaliya ay yihiin labo dad oo mataano ah, isagoo tilmaamay in Jabuuti ay tahay dal deris iyo walaal la ah dadka soomaaliyed. |
|
||||||||||||||
|
Somalinetwork.Com © 2010 webmester@somalinetwor.com |
||||||||||||||||