BBC Somali
  11:00 Aroornimo
  14:00 Galabnimo
  18:00 Fiidnimo

 

    VOA Somali
  06:30 Aroornimo
  04:00 Galabnimo
  07:00 Habeenimo

 

  Radio Muqdisho
   08:00 Arroornimo
  02:30 Duhurnimo
  20:00 Habeenimo

 

   Somali Links

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 free counters

 

 

 

 

 

Warka

 

 

 

Wafdi uu hogaaminayo R/wasaare kuxigeenka ahna wasiirka qorsheynta oo maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo

 

Muqdisho,somalinetwork,09.Dec.2010

 

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo R/wasaare xigeenka ahna wasiirka qorsheynta qaranka iyo iskaashiga caalamiga Dr. C/wali Maxamed cali oo ay ka mid ahaayeen wasiiro, xildhibaano iyo odayaal dhaqameedyo ayaa maanta gaaray Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

 

Wafdigan ayaa waxaa shalay magacaabay R/wasaare Farmaajo, kuwaasoo loo xil saaray xalinta dagaal beeleedyada iyo sidii beelaha ku dagaalamaya duleedka magaalada Galk-acyo loo kala dhex dhiga lahaa heshiis.

 

R/wasaare xigeenka ahna wasiirka qorsheynta qaranka iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku soo dhoweeyay Koofurta magaalada Galkacyo mas'uuliyiinta sare ee Maamulka Galmudug, kuwa-asoo kulamo la qaatay.

 

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa soo dhoweeyay wafdiga ay dowladda u soo dirtay xalinta colaad beeleedyada ka dhacaya gobolka Mudug, isagoo xusay inay qeyb ka qaadan doonaan xalinta dagaalada iyo ka hor t-aga dhiiga daadanaya.

 

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/shakuur shiikh xasan oo ka mid ah wafdiga ayaa sheegay inay u yim-aadeen sidii ay u baajin lahaayeen dagaalada ka soo cusb-oonaaday, ayna ku dadaalayaan sidii ay heshiis u kala dhex dhigi lahaayeen.

 

Wafdigan ayaa markii dambe u gudbay dhinaca waqooyi ee maamulka Puntland, halkaas oo ay kula kulmi doonaan mas,-uuliyiinta Mudug u qaabilsan Puntland.

 

Dagaal beeleedyo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay deegaano ka tirsan gobolka Mudug ayaa geystay qasaare dhi-masho iyo dhaawacba leh oo kala gaaray labo beelood oo wada dega Mudug.

 

Maamulka Galmudug ayaa dhowaan ku eedeeyay Puntland inay hurineyso dagaal beeleedyada ka soconaya duleedka Galkacyo, iyadoo Maamulka Puntland uu beeniyay

 

 

 

 
 

 

 

 

                                                    

                            Somalinetwork.Com © 2010      webmester@somalinetwor.com