|
||||||||||||||||
|
Maleeshiyaad fara badan oo Shabaabka Muqdisho soo geliyeen oo dhoolatus ciidan ka dhigay wadooyinka
Muqdisho,somalinetwork,09.Dec.2010
Boqolaal ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo lagu soo tababaray Gobolka Bay ayaa dhoolatus ciidan ku sameeyay wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamadan ay ku hubeysnaayeen gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan.
Dhoolatuska ayaa ciidamada waxaa ku wehlinayay saraakiil wajiyada u xirnaa, kuwaasoo saranaa gaadiid dagaal, iyadoo gawaari sameecado ku rakiban lagu muujinayay cududan ciidan ay Shabaab soo gelisay Muqdisho.
Maleeshiyaadkan oo watay dareys isku mid ah oo ah nuuca milateriga ayaa waxay gaardis ku marayeen wadada warshadaha, halkaas oo ay u soo daawasho tageen dadweyne fara badan.
Inkastoo Shabaab dagaaladii bishii Ramadaan ay ku dhamaadeen ayaa hadana ciidamadan ay soo geliyeen Muqdisho ay doonayaan inay dagaalada ku sii kordhiyaan.
Ma jirin wax saraakiil ah oo kula hadashay goobta dhoolatuska ciidan ka sameynayeen ciidamadan ku hubeysnaa qoryaha boobayaasha, waxaana qeyb ay ka yihiin boqolaalka maleeshiyo ee shabaabka ay u soo tababareen inay ku dagaal geliyaan
|
|
||||||||||||||
|
Somalinetwork.Com © 2010 webmester@somalinetwor.com |
||||||||||||||||