BBC Somali
  11:00 Aroornimo
  14:00 Galabnimo
  18:00 Fiidnimo

 

    VOA Somali
  06:30 Aroornimo
  04:00 Galabnimo
  07:00 Habeenimo

 

  Radio Muqdisho
   08:00 Arroornimo
  02:30 Duhurnimo
  20:00 Habeenimo

 

   Somali Links
 

warka

 

 

Shabaabka oo saaka magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka banaan baxyo ay ku baaqeen ka dhigaya.

 

Muqdisho,15.Sept.2010

 

Afhayeenka Al-Shabaab cali dheere ayaa ku dhawaaqay in maa-nta banaan baxyo waa weyn oo looga soo horjeedo hanjabaadii baadariga mareykanka ku hanjabay inuu ku gubayo kutaabka quraanka kariimka ay ka dhigayaan gobolada ay maamulaan.

 

Cali Dheere ayaa ugu baaqay umada soomaaliyed inay shucuurtooda ku muujiyaan banaan baxa oo ay ku koryeelaan kitaabka alle sida uu hadalka u dhigay.

 

"Waxaan umada muslimka u jeedinayaa inay soo baxaan kutubyada quraanka kariimkana soo qaat-aan, ayna ku muujiyaan islaanimadooda, si ay uga soo horjeedaan gaalada mareykanka"ayuu yiri Cali dheere oo faray dhamaan maamulada gobolada ay Shabaab ka taliyaan inay isugu soo baxaan.

 

Goobaha ganacsiga magaalooyinka qaar ayaa saaka ah kuwo albaabada u xiran, waxaana banaan baxyada qaban qaabadooda ka socdaan, magaalooyinka Marka, Kismaayo, Beledweyn, Jowhar, Baydhabo iyo magaalooyin kale.

 

Dhowaan ayay aheyd markii baadari mareykanka ah uu ku goodiyay inuu gubayo kitaabka quraanka kariimka, inkastoo qeylo dhaan kadib uu ka laabtay go'aankiisa, hase yeeshee dunida islaamka ayaa waxaa ka dhacay banaan baxyo looga soo horjeeday baadarigaas goodintiisa.

 

 

Xafiiska Muqdisho iyo wararkii ugu danbeeyay

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 

 

 

 

                                                    

                        Free counter and web stats       Somalinetwork.Com © 2010      webmester@somalinetwor.com