BBC Somali
  11:00 Aroornimo
  14:00 Galabnimo
  18:00 Fiidnimo

 

    VOA Somali
  06:30 Aroornimo
  04:00 Galabnimo
  07:00 Habeenimo

 

  Radio Muqdisho
   08:00 Arroornimo
  02:30 Duhurnimo
  20:00 Habeenimo

 

   Somali Links
 

warka

 

R/wasaaraha oo ugu baaqay xildhibaanada inay gacan ka geystaan xalinta khilaafka madaxda dowladda.

 

Muqdisho,15.Sept.2010:

 

Raisulwasaaraha soomaaliya cumar C/rashiid cali sharmaarke oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa ka codsaday xildhibaanada baarlamaanka inay gacan ka geystaan xalinta khilaafka xargaha jabsaday ee u dhaxeeya isaga iyo Madaxweynaha.

 

R/wasaaraha oo kula hadlayay hoygiisa ayaa sheegay in dowladda oo xilligan mareysa xaalado adag loo baahan yahay in laga gudbo waxyaabaha caqabadaha ah ee keeni kara in dowladda buuq ku furanto.

 

"Waa la socotaan khilaafka hada jira, waxaa idin ka codsanayaa inaad joojisaan nin jecleysiga, khilaa-fka hada jirana aad gacan ka geysataan xalintiisa"ayuu yiri R/wasaaraha oo hadalkiisa u muuqday mid quus ah.

 

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in isagu aanu ku dhawaaqin in la qabto shirweyne afti loogu qaadayo meel ka baxsan Muqdisho, isagoo wararkaas ku tilmaamay mid been abuur ah.

 

"Dadka waxbaa isaga qaldan, aniga kuma dhawaaqin in shir afti qaran loogu qaadayo dastuurka meel aan Muqdisho aheyn lagu qabto, maxaa yeelay Muqdisho ayayba waajib tahay in lagu qabto, waayo ciidamo caalami ayaa jooga"ayuu yiri R/wasaare sharmaarke.

 

Waxaa uu sheegay in xukuumadiisa ay wado qorshayaal ay ku dooneyso inay ku qabato gobolada dal-ka, isagoo xusay in dadaaladaas ay haatan u marayaan meel fiican sida uu hadalka u dhigay.

 

Khilaafka ka dhex oogan madaxweynaha iyo R/wasaaraha ayaa cirka isku shareeray, markii xildhiba-ano boqol kor u dhaafaya ay xukuumada ka geeyeen mooshin ka dhan ah.

 

Xafiiska Muqdisho iyo wararkii ugu danbeeyay

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 

 

 

 

                                                    

                        Free counter and web stats       Somalinetwork.Com © 2010      webmester@somalinetwor.com