|
Beesha Caalamka oo war
murtiyeed ka soo saaray khilaafka adag ee u dhaxeeya madaxda
dowladda
Muqdisho,cisaleey,15.Sept.2010
Qaramada Midoobey, Midowga Yurub
ayaa ka digay khilaafka u dhaxeeya Madaxda ugu sareysa
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, iyagoo ka soo saaray baaq ku
wajahan xalinta khilaafka.
War murtiyeed ka soo baxday
Xafiisyada Ururadaas ee magaalada Nairobi ayaa ugu horeyn
waxaa walaac looga muujiyay khilaafkaas baaxada leh, iyagoo
ugu baaqay Madaxda inay khilaafkooda ku dhameeyaan wada
hadal.
Madaxda Dowladda ayaa loogu baaqay
inay muujiyaan Midnimo iyo sida wax lagaga qaban karo
dhibaatooyinka haatan ka taagan dalka Soomaaliya ee ah
dhinacyada ammaanka iyo waajibaadka saaran hey'adaha
dowladda.
War murtiyeedka ayaa lagu xusuusiyay
Dowladda KMG in xilligan Ciidamada AMISOM ay naftooda u
hurayaan qatarna u gelinayaan maalin kasta difaacida
Dowladda KMG iyo degenaanshaha Caasimada.
"Kuwa faa'iidada ugu badan ka helaya
kala qaybsanaantani waa kooxaha xagjirka ah ee ugu jira
dagaalka sidii ay u qabsan laaayeen hoggaanka dalka"ayuu
yiri Amb. Agustin Mahiga oo ah Ergeyga u qaabilsan Qaramada
Midoobey arrimaha soomaaliya.
Baaqyada ka soo baxa Beesha
Caalkamka ayaa imaanaya xilli uu cirka isku sii shareeray
khilaafka baaxada leh ee u dhaxeya Madaxda ugu sareysa
Dowladda KMG Soomaaliya, kuwaasi oo haatan wada dhaq
dhaqaaqyo siyaasadeed.
Xafiiska Muqdisho iyo wararkii ugu danbeeyay
|