BBC Somali
  11:00 Aroornimo
  14:00 Galabnimo
  18:00 Fiidnimo

 

    VOA Somali
  06:30 Aroornimo
  04:00 Galabnimo
  07:00 Habeenimo

 

  Radio Muqdisho
   08:00 Arroornimo
  02:30 Duhurnimo
  20:00 Habeenimo

 

   Somali Links
 

warka

 

 

Madaxweyne Shariif oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka hor jeediyay baarlamaanka.

 

 

Muqdisho,15.Sept.2010:Madaxweynaha soomaaliya Shariif Shiikh axmed ayaa khudbad xasaasi ah ka jeediyay kulankii baarlamaanka ee uu maanta ka qeyb galay, isagoo madaxweynaha ka hadlay xaalada dalka uu ku sugan yahay.

 

Shariif ayaa ugu horeyn xusay in aanu jirin khilaaf u dhaxeeya isaga iyo R/wasaarihiisa, isagoo baarlamaanka ka hor sheegay in suurta gal ay tahay in is badal la taaban karo la sameeyo.

 

Madaxweyne Shariif oo khudbadiisa u muuqatay mid kicineysay xasaasiyada baarlamaanka ayaa waxaa uu cadeeyay inay ka go'an tahay inuu ka mira dhaliyo waajibaadka uu u dhaartay.

 

Waxaa uu dhaliilay xukuumada soomaaliya ee uu hogaamiyo R/wasaare cumar C/rashiid, waxaana uu xusay in isku shaandheyn badan oo la sameeyay aanay wax is badal la gaarin sida uu hadalka u dhigay.

 

"Is badalo badan oo la sameeyay waxba waa soo kordhi waayay, isku shaandheyn golaha wasiirada oo kale, sidoo kale waxaa la socotaan xaalada dalka uu ku sugan yahay iyo sida lagama maarmaan ay tahay in is badal la sameeyo"ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo u muuqday hadalkiisa mid uu ku gubaabinayay baarlamaanka.

 

Madaxweyne shariif ayaa ku taliyay in iyadoo shaqsi la xumeyneyn la sameeyo is badal waafi ah, taasoo uu ku tilmaamay mid wax sixi karta, waxaana uu baarlamaanka u sheegay in isaga iyo R/wasaaraha ka dhaxeyn wax is heysi ah.

 

Waxaa kaloo Madaxweynaha soo hadal qaaday arrinta dastuurka, isagoo tibaaxay in isaga aanu digreeto ku soo magacaabin gudiga madaxa banaan ee dastuurka, isla markaana baarlamaanka aanay ansixin, taasoo xildhibaanada baarlamaanka ay ugu sacba tumeyn.

 

Khudbada Madaxweynaha ayaa aheyd tii ugu dheereyd ee uu jeediyo tan iyo madaxweynaha uu noqday, isla markaana aheyd mid dhinacyo badan taabaneysay oo uu xaalada dalka uga hadlay.

 

 

 

 

 

Xafiiska Muqdisho iyo wararkii ugu danbeeyay

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 

 

 

 

                                                    

                        Free counter and web stats       Somalinetwork.Com © 2010      webmester@somalinetwor.com