BBC Somali
  11:00 Aroornimo
  14:00 Galabnimo
  18:00 Fiidnimo

 

    VOA Somali
  06:30 Aroornimo
  04:00 Galabnimo
  07:00 Habeenimo

 

  Radio Muqdisho
   08:00 Arroornimo
  02:30 Duhurnimo
  20:00 Habeenimo

 

   Somali Links
 

warka

 

 

Madaxweynaha soomaaliya Shariif shiikh axmed oo lagu wado inuu ka qeyb galo shirka baarlamaanka.
 

Muqdisho,15.Sept.2010:Madaxweynaha Soomaaliya Shariif shiikh axmed ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo shir saaka baarlamaanka uu ku yeelanayo xarunta golaha shacabka oo ah goobta u asteysan shirarka baarlamaanka.

 

Sida ay wararku sheegayaan madaxweyne Shariif ayaa khudbad u jeedin doona baarlamaanka, iyadoo la filayo inuu diirada ku saaro khilaafka cusub ee u dhaxeeya isaga iyo R/wasaarihiisa ee ku wajahan arrinta dastuurka.

 

Ammaanka xarunta golaha shacabka ayaa si aad ah loo adkeeyay, halkaasoo lagu arkay taangiyada ay leeyihiin ciidamada Amisom iyo gawaarida qafilan ee aan xabaduhu karin.

 

Xildhibaanada ayaa ku qul qulaya xarunta golaha shacabka, iyagoo baaritaano lagu sameynayay, waxaana Mobilka gacanta ahaa mid gudaha xarunta aan loo ogolaaneyn oo banaanka looga reebay.

 

Sidoo kale xarunta golaha shacabka ayaa waxaa xaadir ku ah warbaahinta qeybahooda kala duwan, kuwaasoo aroortii hore ee saaka tagay xarunta halka uu ka socdo kulanka baarlamaanka oo goor dhow bilowday.

 

Kulanka xildhibaanada baarlamaanka u soconaya ayaa si dhab ah loo ogeyn ajandaha loogaga hadlayo, inkastoo shalay uu baaqday kulan lagu waday in xukuumada codka kalsoonida loogu qaado, kadib markii laga soo gudbiyay mooshin.

 

Xafiiska Muqdisho iyo wararkii ugu danbeeyay

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 

 

 

 

                                                    

                        Free counter and web stats       Somalinetwork.Com © 2010      webmester@somalinetwor.com