BBC Somali
  11:00 Aroornimo
  14:00 Galabnimo
  18:00 Fiidnimo

 

    VOA Somali
  06:30 Aroornimo
  04:00 Galabnimo
  07:00 Habeenimo

 

  Radio Muqdisho
   08:00 Arroornimo
  02:30 Duhurnimo
  20:00 Habeenimo

 

   Somali Links
 

warka

 

 

Wararkii ugu dambeeyay kulanka baarlamaanka iyo Madaxweynaha oo ka soo qeyb galay. 

 

 

Muqdisho,15.Sept.2010

 

Baarlamaanka soomaaliya ayaa kulankii maanta ay ku yeesh-een magaalada Muqdisho waxaa loogu qeybiyay waraaqda mooshinka ka dhanka ah xukuumada R/wasaare cumar C/rashiid, iyadoo sidoo kalena warqad jawaab ah oo xafiiska R/wasaaraha ka soo baxday loo qeybiyay.

 

Kulanka baarlamaanka oo ay maanta soo xaadireen in ka badan 300-mudane ayaa ahaa fadhigii ugu xasaasinaaa ee ay ka soo qeyb galaan mudanayaal fara badan, iyadoo kulanka ahaa mid intiisa badan khudbad dheer looga dhageystay Madaxweyne Shariif.

 

Ku simaha gudoomiyaha baarlamaanka ahna gudoomiye kuxigeenka 1aad C/wali ibraahim muudey oo shir gudoominayay ayaa xildhibaanada u sheegay in ajandaha kulanka ahaa mid ay ku casuumeen Madaxweynaha si uu khudbad ugu jeediyo.

 

Xildhibaanada xaadiray kulanka ayaa ahaa kuwo si asluub ku saleysan u dhageysanayay khudbadii madaxweynaha, waxaana kadib loo qeybiyay mooshinka ka dhanka ah R/wasaaraha xukuumadiisa.

Mooshinkan ayaa waxaa 9-kii bishan gudoonka baarlamaanka u gudbiyay in ka badan 100-mudane oo soo diyaariyay mooshinkaas.

 

Dhinaca kale kulanka intii uu socday ayaa waxaa loo qeybiyay xildhibaanada qoraal uu soo saaray R/wasaaraha, kaas oo uu kaga jawaabayay mooshinka la horkeenay xukuumada, waxaana R/wasa-araha uu soo qaatay qodobo kala duwan oo dastuurka waafaqsan.

 

Kulanka baarlamaanka ayaa ku soo gaba gaboobay jawi wanaagsan, iyadoo xildhibaanada ay ahaa-yeen kuwo la dhacsan khudbada madaxweynaha oo taabaneysay dhinac badan oo quseysa xukuu-mada sida loogu baahan yahay in is badal lagu sameeyo.

 

 

 

Xafiiska Muqdisho iyo wararkii ugu danbeeyay

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 

 

 

 

                                                    

                        Free counter and web stats       Somalinetwork.Com © 2010      webmester@somalinetwor.com