|
||||||||||||||||
|
Al-Shabaabka Marka oo ilaa 3-dhalinyaro gacmaha ka jaray. Muqdisho,18/Sept/2010
Maamulka Al-Shabaab ee degmada Marka ayaa shalay gelinkii dambey ku fuliyay xukun gacan goyn ah saddex dhalinyaro oo lagu soo eedeeyay inay geysteen dhac.
Falkaan dhalinyarada ayaa shalay ka dhacay fagaare ku yaal degmada, halkaasoo ay ka soo qeyb galeen boqolaal dadweyne oo ka kala yimid xaafadaha degmada Marka.
Dhalinyaradan ayaa Maamulka sheegay inay ka soo qabteen meel u dhow degmada Afgooye oo la sheegay inay ka geysteen falkan dhaca ah.
Qaadiga Maxkamada Marka oo ka hadlay xukunka uu fuliyay ayaa goobta ka sheegay in dhalinyaradan ay dhaceen ilaa 20-milyan oo shilin soomaali ah, isla markaana ay qirteen dambigooda.
Dhalinyaradan ayaa midkiiba laga jaray gacanta midigta sida uu sheegay Qaadiga Maxkamada, markii ay u eegeen sida ay ka qabto tuugonimada shareecada Islaamka.
Culimada qaar ayaa dhaliilay
xukumada ay fuliyaan Shabaab, kaasoo ay ku sifeeyeen mid Shubho ah,
waxaana culimada qaar ay soo daliishadeen in dhowr sababood aanay
xilligan munaasib ku aheyn in xukunada xadka ah la fuliyo.
kala soco www.somalinetwork.com waxii war ah oo soo kordha |
|
||||||||||||||
|
|
||||||||||||||||