|
||||||||||||||||
|
Wasiirada Isboortiga Khadiijo Diiriye oo ugu baaqday Madaxweynaha inuu soo magacaabo R/wasaare cusub.
Muqdisho,18/Sept/2010
Wasiirada dhalinyarada iyo isboortiga Khadiijo maxamed diiriye oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka ugu codka dheer ayaa sii muujisay kala qeybsanaan xaga khilaafka ah ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo R/wasaaraha.
Khadiijo ayaa xustay in R/wasaaraha looga baahan yahay inuu codka kalsoonida soo weydiisto baarlam-aanka, iyadoo ku tilmaantay xukuumada mid gudan weyday waajibaadkeeda ka saaran xaalada dalka uu ku sugan yahay.
"Madaxweynaha waxaa laga rabaa inuu soo magacaabo R/wasaaraha ka bixi kara xaalada dalka uu ku jiro" ayay tiri wasiirada oo ka mid ah xubnaha golaha wasiirada ee taageersan Madaxweynaha.
R/wasaare cumar C/rashiid ayaa maalmo ka hor sheegay inuu tallaabo ka qaadayo qaar ka mid ah Wasiira-diisa, oo ay ku jiraan R/wasaare kuxigeenada, isagoo ku eedeeyay inay faraha gishteen howl aan loo dirsan.
Waxaa uu sheegay inuu heysto codka kalsoonida, isla markaana aanu xukuumadiisa hor geyn doonin baarl-amaanka, kadib markii kuxigeenkiisa oo ku sime sii ahaa intii uu dalka ka maqnaa Aadan Madoobe uu shee-gay inuu baarlamaanka horgeyn doono xukuumada.
Madaxweyne Shariif ayaa maalmo ka hor u jeediyay baarlamaanka khudbad aad u dheer, kaas oo ugu baa-qay inay sameeyaan is badal ku aadan xukuumada, si meesha looga saaro.
Inkastoo kulankii baarlamaanka ee maanta
lagu waday in xukuumada codka kalsoonida loogu qaado uu dib u
dhacay, ayaa hadana si dhab ah loo ogeyn xilliga uu shiri doono,
iyadoo ay sii kordheyso kala qeybsanaan xildhibaanada dhexdooda ee
ku aadan arrinta xukuumada.
kala soco www.somalinetwork.com waxii war ah oo soo kordha
|
|
||||||||||||||
|
|
||||||||||||||||