BBC Somali
  11:00 Aroornimo
  14:00 Galabnimo
  18:00 Fiidnimo

 

    VOA Somali
  06:30 Aroornimo
  04:00 Galabnimo
  07:00 Habeenimo

 

  Radio Muqdisho
   08:00 Arroornimo
  02:30 Duhurnimo
  20:00 Habeenimo

 

   Somali Links
 

warka

 

 

 

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Uganda oo kulan

gaar ah ku  yeeshay magaalada Kampala- Uganda.

 

 

Muqdisho,18/Sept/2010

 

Madaxweynaha soomaaliya Shariif shiikh axmed oo shalay gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa dhigiisa Madaxweyne Yuweri Museveni kulan gaar ah la yeeshay.

 

Kulankan oo ka dhacay qasriga Madaxtooyada Kampala waxaa labada madaxweyne diirada ku saareen arr-imaha siyaasada iyo milateriga, iyadoo Madaxweynaha Uganda uu balan qaaday inuu sii wadayo taageerada dowladda soomaaliya.

 

Yuweri Museveni ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah uu u dirayo Soomaaliya, si ay u caawiyaan dowladda Soomaaliya ee taagta daran, waxaana uu sheegay in hada diyaarsan yihiin hal guuto.

 

Madaxweyne Shariif oo safarkiisa shalay aheyd mid deg deg ayaa la ogeyn inuu uga sii talaabi doono ma-gaalada New York oo ka furmi doona shirka sanadlaha ee golaha loo dhan yahay ee Umadaha Midoobey.

 

Socdaalka Madaxweynaha uu kaga maqan yahay magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadaya xilli khilaaf weyn iyo buuq siyaasadeed uu u dhaxeeyo isaga iyo R/wasaarihiisa Cumar C/rashiid.

 

kala soco www.somalinetwork.com waxii war ah oo soo kordha

 

 
 

 

 

 

                                                    

                        Free counter and web stats       Somalinetwork.Com © 2010      webmester@somalinetwor.com