|
Muqdisho,20.Sept.2010
Ciidamada Amisom
ayaa maanta si toos u degay ugana sameystay
Isbitaalkii Digfeer ee degmada Hodan, iyadoo
fariisimahaasi qeyb ka yahay qorshaha ay ku
doonayaan inay isugu ballaariyaan magaalada
Muqdisho.
Wararka waxay intaa
ku darayaan in fariisimadan cusub ay bilaaow
ka yihiin qorshe uu madaxweynuhu ku doonayo
in ku qabto magaalada muqdisho.
Dad goob joogayaal
ah ayaa sheegay in Ciidamada oo wata
gawaarida gaashaaman oo ay ku jiraan
Taangiyo ay fadhiisimo ka sameysteen, iyagoo
watay dhagxaanta dhufeysyada.
Ciidamada Amisom
ayaa maalmihii u dambeeyay wajahayay weeraro
adag oo uga imaanayay kooxaha mucaaradka,
waxaana aagaga weerarada uga imaanayay qeyb
ka aheyd dhinaca Digfeer.
Maalinimadii shalay
ayay aheyd markii Afhayeenka Amisom Barigiye
Bahoku uu sheegay in ciidamadooda ay
fariisimo ka sameysteen ilaa 7-saldhig oo ku
yaal magaalada Muqdisho ee caasimada
Soomaaliya.
Dagaalo ka dhacay
Bishii ramadaan magaalada ayaa ahaa kuwii
ugu cuslaa ee soo mara, iyadoo dagaalad-aas
ay xireen wadada muhiimka aheyd ee Maka
Al-mukarama, oo Shabaabka doonayeen inay
kala gooya-an, hase ahaatee ku fashilmay
Somalinetwork.com |