BBC Somali
  11:00 Aroornimo
  14:00 Galabnimo
  18:00 Fiidnimo

 

    VOA Somali
  06:30 Aroornimo
  04:00 Galabnimo
  07:00 Habeenimo

 

  Radio Muqdisho
   08:00 Arroornimo
  02:30 Duhurnimo
  20:00 Habeenimo

 

   Somali Links
 

 

warka

 

 

Maamulka G/Banaadir oo ka digay boob ay Shabaabku u geeystaan Shirkadaha Isgaarsiinta iyo Xawaaladaha

 

 

Muqdisho,20.Sept.2010

 

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalda Muqdishu Max’uud Axmed Nuur Tarsan oo u waramay Radio Muqdishu ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Shabaab ay qorsheeynayaan boobka hantida Shirkadaha Isgaarsiinta, Xawaaladaha iyo guud ahaan hantida Ummada oo dhan.

 

Gudoomiye Tarsan ayaa cambaareeyay dhacii  shalay loo gaystay qaar ka mid ah Xarumaha warbaahinada ku yalaa goobaha ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka dowlada ka soo horjeeda, isagoo intaa ku daray taasi ay muujinayso hanka shabab ee ah in la dhaco dhamaan hantida Ummada, isagoo uga digay ganacsatada Shirkadaha iyo xawaaladaha ku sugan deegaanadooda in ay ka fakaraan Mustaqbalka hantidooda, qorshaha Shabaabna uu xiligan iyaga ku wajahanyahy isagoo ugu baaqay in ay isaga soo tagaan deegaandaasi  si hantidooda ay u badbaado.

 

Gudoomiye Tarsan ayaa ugu dambayntii ugu baaqay dhalinyarada yar yare  ee ay soo qaldeen horjoogayaasha Ajaaniibta iyo Soomaalida isugu jirto in ay ka fakaaran mustqbalkooda, islamrkaana ay ka soo tagaan shabab isagoo sheegay in dhalintu markaa ay heli doonaan waxbarasho iyo wax walba oo ay horumar ku gaari karaan.

 

 

hadalka gudoomiyaha gobolka Banadir ayaa imaanaya xili maalmihii ugu dambeeyay maleeshiyaadka Shabaab ay sii kordhiyeen boobka hantida shacabka

 

 

 

 

 

 

 

 

 
 

 

 

 

                                                    

                        Free counter and web stats       Somalinetwork.Com © 2010      webmester@somalinetwor.com